Tuesday, June 24, 2025

C/weli Muudey oo ku guuleystay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya

C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Tirinta Codka oo weli socota ayaa si cad u hogaaminaya C/weli Muudey oo heysta codadka ugu badan waxaana si weyn oo aqlabiyad leh codka u helay C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Guddiga Doorashada ayaan soo saarin weli natiijada rasmiga ah laakiin waxaa si cad u guuleystay C/weli, waxaana tirada aan tirinay uu C/weli helay codad ka badan 140 taasoo micnaheedu yahay inuu isagu ku guuleystay.

Doorashada oo wareegii hore adkeyd ayaa wareega labaad oo la tanaasulay waxaa wareega saddexaad oo loo gudbay ay noqotay inuu sahal ugu guuleysto C/weli Muudey oo taageero ka  heystay xildhibaano bdan oo ka horjeeday inay soo laabtaan saaxiibada Xasan Sheekh.

Guusha C/weli Muudey ayaa ka dhigan in Baarlamaanka cusub ee Federaalka ay guddoonkiisa soo soo wada galeen laba shaqsi oo aad u kala siyaasad fog iyadoo C/weli Muudey uu gacansaar la leeyahay Sharif Xasan.

NATIIJADA LA SOCO..

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON