Thursday, July 3, 2025

DEGDEG: Dabcasar oo Jabuuti laga soo celiyay, mar labaadna lagu xiray Magaalada Hargeysa

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya ninka caanka ka ah baraha Bulshada ee C/raxmmaan C/llaahi Xaaji oo ku magac dheer Dabcasar oo shalay laga masaafuriyay magaalada Hargeysa markii lagu xiray, haddana dib loogu celiyeya halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Dabcasar ay Jabuuti dib ugu celisay Hargeysa oo diyaarad kale loo saaray markii uu shalay gaaray Garoonka diyaaradaha Jabuuti, waxaana saaka mar kale la geeyay magaalada Hargeysa.

Booliska Somaliland ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Hargeysa xabsiga dhigay, waxaana hadda lasoo weriyay inuu ku xiran yahay saldhigga Booliska Garoonka magaalada Hargeysa.

Xaaladda ninkan oo ah nin ku caan baxay qeylo dhaan iyo shactarrada baraha bulshada ayaan la ogeyn waxa ay ku danbeyn doonto, waxaana hore loogu jirdilay magaalada Hargeysa oo hadda lagu celiyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON