Thursday, March 28, 2024

Dabley hubeysan oo Dad Gaari la socday ku leysay Duleedka magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad rayid ah duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Lafoole, waxaana lasoo weriyey in Dabley wejiyada soo duubtay ay rasaa xoog leh ku fureen Gaari  nooca raaxada ah oo yar, kaasoo ay la socdeen shan qof, waxaana la xaqijiyey inay ku dhinteen dhammaantood toogasho lagu dilay.

Warar kale ayaa sheegay in inta badan dadkii saarnaa gaariga ay goobta ku dhinteen, iyagoo saddex ka mida ay wallaalo ahaayeen, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falkaasi geystay, iyadoo markaas kadib ay gaareen ciidamada amniga oo xiray goobtaasi.

Ad

Falkan naxdinta leh ayaa dadka degaanka sheegeen in gaariga lagala degay intii aan la toogan, iyadoo aan la ogeyn sababta oo dilay iyo cidda ka dambeysay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON