Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Dabley weerar ku qaaday xarunta Baarlamaanka Iiraan iyo Qabriga Khumeymi

Wararka laga helayo dalka Iiraan ayaa sheegaya in weerar qaraxyo ah lagu qaaday Baarlamaanka dalka Iiran ee magaalada Tehran iyo Qabriga Imaam Khumeyni.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarunta Baarlamaanka dalkaasi, waxaana rasaas is weydaarsaday ilaalada xarunta iyo dableyda iyadoo goobta lagu dhaawacay mid ka mida ilaalada Baarlamaanka Iiraan.

Dableyda weerarka qaaday ayaa rasaas ku furay gudaha dhismaha Baarlamaanka, waxaana weerar kale ka dhacay Qabriga hogaamiyihii kacaanka Iiraan Aayatullaah Khumeyni, sida warbaahinta Iiraan ay shaacisay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hal dabley ah la dilay, waxaana jira warar is khilaafsan oo kasoo baxaya weerarka oo dableyda hubeysan ay mar kaliya weerartay labada xarumood ee baarlamaanka iyo matxafka Khumeyni.

Saddex Dabley aha ayaa la sheegay inay weerareen Qabriga Khumeyni ee Koonfurta magaalada. Waxayna rasaas ku fureen dadkii goobta ku suganaa iyadoo midkoodna uu ahaa ismiidaamiye.

La soco…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON