War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dhowr qof lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Florida ee dalka Mareykanka, kadib markii qof hubeysan uu rasaas ku furay.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu geystay nin dabley ah oo rasaas ku furay goob dhisme ah oo ah Gole Madadaallo, kasoo ku yaalla xaafadda Jacksonville ee magaalada Florida, sida uu sheegay Booliska magaaladaasi.
Taliyha Booliska ayaa u sheegay dadka degaankaasi inay guryahooda ku ekaadaan goobaha ay ku sugan yihiin, iyadoo dhowr ah ay dhaawacantay, waxayna wararkii ugu horeeyay ee dhacdadan kasoo baxay ay sheegayaan in qofka weerarka geystay oo rasaasta furay uu dhintay.
Rasaas fara badan ayaa goobta laga maqlay xilli uu socday bandhig video game lagu tartamayo oo si toos ah loo daawan lahaa degaanka Jacksonville. Waxaa laga cabsi qabaa inay dadka weerarka ku dhintay ay sii kordhaan, waxayna wararka qaar sheegayaan in 4 qof ay dhinteen halka 10 kale dhaawac soo gaaray.
Qof kale oo laga shakisan yahay inuu hubeysan yahay ayay Boolisku sheegeen inay raadinayaan, waxaana gebi ahaan la xiray goobta falku ka dhacay.