Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya dad shacab ah lagu laayey duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii koox hunbeysan ay weerar ku qaaday.
Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad u badan haween oo ku howlanaa nadaafad kuwaasoo ku sugnaa degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, waxayna dadka degaanka sheegeen in ilaa 9 qof ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen.
Dadka dhintan ayaa u badan haweenka nadaafadda, waxaana dadka degaanka ay falkaasi ku eedeeyeen inay ka danbeysay Alshabaab, iyadoo dadka dhaawaca ah loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho.
LA SOCO FAAHFAAHINTA WARKAN