Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Dagaal kale oo ka qarxay Isgoyska KM 4 iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Muqdisho

Raasaas ayaa Goor dhoweyd ka qaraxay agagaarka isgoyska KM4 iyo xaafado ka tirsan degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidamada daacada u ah Maxamed Farmaajo iyo ciidamo kale oo kala taabacsan Jen. Yuusuf Indha-cadde iyo Musharax C/raxman C/shakuur, sida wararku sheegayaan.

Goobaha uu dagaalkan cusub saameeyay waxaa ka mida Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim iyo nawaaxiga Isgoyska Trebuunka, waxaana dadka degaanka ah sheegeen in xilligii afurka ay mar kaliya rasaas is qabsatay.

Aagga rasaastu ka socoto ayaa la sheegay in maalmahan loo diyaarinayey xarun uu ka degayo Musharax C/raxmaan C/shakuur, waxaan weli cakiran xaaladda. Ciidamada taliyihii hore ee Booliska G/Banaadir Saadaq Joon ayaa la sheegay inay ka mid ihiin cidamada difaacay guriga C/raxmaan C/shakuur.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay weerar ku soo qaadeen ciidamada Farmaajo ka amar qaata. “Ciidanka Farmaajo ayaa weerar kusoo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo”.

Wuxuu sheegay C/raxmaan C/shakuur in saraakiisha weerarka ku ah ee hoggaaminaya ciidamada ka amar qaata Farmaajo ay kala yihiin Faarax Qaroole iyo Jeneral Cismaan C/laahi Maxamed (Kaniif).

Maanta waxaa dhowr meelood ka dhacay Muqdisho dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo milateri ahaa oo taageersan mucaaradka, waxaana ugu danbeeyay dagaalkii galabta ka dhacay Isgoyska Mariinada oo uu degan yahay madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON