Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Dagaal qaraar oo dhex maraya Alshabaab iyo maleeshiyada Mukhtaar Roobow

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Alshabaab ay dagaal ku qaadeen saaka degaanka Abal e Gobolka Bakool oo saldhigga u ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Dagaalkan oo  bilowday saaka aroortii ayaa wararku sheegayaan in la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo weriyay in Alshabaab ay goobtaasi geeyeen ciidamo iyo hub fara badan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab ay qabsadeen Gaari dagaal oo ay leeyihiin maleeshiyada difaaceysa Sheekh Mukhtaar Roobow iyo dhowr Mooto oo dagaalyahannada Roobow adeegsanayeen.

Xaaladda ayaa weli kacsan iyo rasaas culus la maqlayo, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Magacyada Saraakiisha hoggaamineysa Dagaalka Alshabaab ku qaadeen Sh. Mukhtaar Roobow [Akhriso]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON