Wararka laga helayo Gobolla Mudug ayaa sheegaya in ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug dagaal ku dhex marayo Bariga Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa ka qarxay maanta degaanka Cali-waal ee Waqooyi Bari Mudug, iyadoo hub culus la isu adeegsanayo, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamada labada maaaul oo wata gaadiidka dagaalka.
Sida ay sheegeen dadka degaanka dagaalka ayaa weli socda, kaasoo markii hore ka bilowday aano qabiil iyo beelo isku heysa degaanadaasi, waxaana soo baxaya qasaare dhimasho iyo Dhaawac leh oo dagaalku dhaliyay.
Magaalada Gaalkacyo o labada maamul u kala qeybsan ayaa laga soo weriyay inay soo gaartay xiisadda dagaalka socda Bariga iyo degaanada miyiga ah ee gobolka Mudug, iyadoo ay ka socdaan gurmadyo labada dhinac u dirayaan goobaha lagu dagaalamayo.