Wararka hadda laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegayaan inuu goor dhow dagaal goos goos ah ka bilowday magaaladaasi.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo maalmahan isku hor fadhiyay galbeedka magaaladaasi.
Ciidamo ka socda Puntland oo fara badan ayaa yimid Gaalkacyo taasoo keentay in xaaladda ay uga sii darto, waxaana mar kale labada dhinac maanta dib u bilaabeen dagaalkii.
Labada dhinac ay isku adeegsanayan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegayan dadka Deegaanka. Waxaana socota rasaas teelteel ah.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa ku wajahan magaalada Garowe isagoo wada waanwaan uu doonayo in lagu qaboojiyo colaadda Gaalkacyo.
Goobjooge.com