Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Dagaalkii Aagga Suuj oo dib u bilowday & Dowladda Somalia oo ciidamo ku yaboohday

Dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kooxda Alshabaab ee ka socday Togga Suuj ayaa dib u qarxay duhurnimadii maanta kadib markii saaka ay xaalada ahayd mid degan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la is weydaarsanayo hubka boobayaasha culus iyo madaafiicda oo aanay jirin ciidamo lugta ah oo dagaalamaya, waxaana mid ka mida jeneraalada ciidamada Puntland u usheegay inay isku dayayaan inay yareeyaan qasaaraha ciidamadooda.

Dhinaca kale Abaanduulaha ciidamada Milateriga Soomaaliya Jen. Cali Baashi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ciidamo loo diro Puntland si dagaalka socda ay uga qeyb galaan haddii sidaasi laga codsado.

Abaanduulaha oo ka hadlayay xaflad lagu sagootinayay laba diyaaradood oo saanad milateri u qaaday Puntland ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Maamulka Putland dagaalka ay kula jiro kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON