Warar laga helay saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in la qabtay Darawalkii waday gaarigii lagu qarxiyay Dekadda magaalada Muqdisho 11-kii Bishan Disembar 2016.
Darawalkan oo is-miidaamiye ahaa, isla markaana Alshabaab ugu talogashay inuu isku qarxiyo dekadda ayaa la sheegay inuu qorshihii bedelay oo Gaarigii uu wadayna uu dhigay afka hore ee dekadda, kadibna uu meel fog ka qarxiyay gaariga isagiina uu baxsaday.
Baaritaan dheer kadib ayaa la sheegay in gacanta lagu soo dhigay darawalkan oo ay ku raad joogeen ciidamada NISA. Wararka ayaa sheegaya in gaariga xamuulka ah ee qaraxa loo adeegsaday lagu soo diyaariyay magaalada Jannaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
SAWIRRO: Qaraxii Alshabaab ku weerartay Dekadda Muqdisho oo lagu dilay in ka badan 25 qof
Waa markii labaad oo is-miidaamiye badbaaday la qabto, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga helin is-miidaamiye kale oo ciidamada ay ku qabteen qarxintii labaad ee Liido.
Goobjooge.com
Wararkii ugu danbeeyay Qarax ka dhacay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho