Diiwaangelinta Mushrixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhoweyd soo xirantay iyadoo ay isu diiwaan geliyeen laba musharax oo cusub.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaciyay inay soo gabagabowday howshii diiwaangelinta musharxiinta madaxweynaha, isla markaana ay maanta is diiwaan geliyeen 8 musharax oo cusub.
Musharixiinta is diiwaangeliyay maanta waxay kala yihiin:
17. Maxamed Cabdirisaaq
18. Cabdullaahi Cali Maxamed (Cadow Cali gees)
19. Cabdullaahi Ciilmooge Xersi
20. Xaaji Maxamed Yaasiin
21. Axmed Maxamed Cabdi
22. Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.
23. Cabdullaahi Cali Xasan
24. Maxamed Cali Jabarti
Tirada musharaxiinta sida rasmiga ah isu diiwaangelisay ayaa haatan gaartay 24 musharax oo ku tartami doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la qaban doono 8-da Febraayo 2017.
HALKAN KA AKHIRSO LIISKA OO DHAMEYSTIRAN
Goobjooge.com