Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Dil khaarijin ah oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dil toogasho ah uu caawa ka dhacay xaafadda Dabakaayo madow ee degmada Dharkeynley, magaalada Muqdisho.

Dilkan ayay fuliyeen kooxo bistoolado ku hubeysnaa oo khaarijiyay askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA), kaasoo halkaasi marayay xilli aanu hubeysneyn.

Kooxda ayaa la sheegay inay baxsadeen isla markii ay falka toogashada ah geysteen, waxaana askariga uu ka mid ahaa ciidamo  ka tirsan NISA oo halkaasi ka howlgala. Askariga la dilay ayaa ahaa nin laga yaqaan xaafadaasi.

Ad

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo NISA ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, wuxuuna falkan ku soo beegmayaa xilli maanta suuq ku yaala degmada Wadajir qarax gaari loo adeegsaday lagu laayay dad ka badan 30 ruux.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON