War hadda soo dhacay ayaa sheegyaa in diyaarad ku soo degtay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ay shil ku gashay garoonka.
Diyaraadan ayaa la sheegay inay ka baxday Dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan kuna soo degaan ee Garoonka, iyadoo qasaare burbur ah ka soo gaaray diyaaradda.
Nooca diyaaradda ayaa la sheegay inay tahay diyaarad yar oo ay saarnaayeen 4 Qof oo Ajaanib ah, waxaana lahayd shirkadda Bancroft, iyadoo burburtay markii ay ka baxday Runway-ga Garoonka Aadan Cadde ayna degi weysay.
Wararka qaar ayaa sheegay inay luga u bixi waayeen diyaaradda, kadibna qasab lagu dejiyay iyadoo dhowr jeer isku dayday inay degto. Diayarada ayaa dab qabsaday, waxaana lagu guuleystay in la damiyo, waxaana laga soo badbaadiyay afartii qof ee la socday.
Diyaaradda oo ay lahayd shirkadda Bancroft ayaa ah shirkad dhinaca amnigaoo AMISOM ka taageerta, arrintan ayaa saameyn ku yeelatay garoonka Aden Cadda iyadoo la hakiyay duulimaayadii kale ee imaan lahaa Garoonka.
Goobjooge