Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu geeriyooday hoggaamiyihii iyo aasaasihii Daacish Abuubakar Al-baqdaadi.
Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay Trump in ciidamo gaara ay howlgal ka fuliyeen dalka Syria, isla markaana inuu ku cararray God oo halkaasi uu isku qarxiyey Abuubakar Albaqdaadi, intii howlgalku socdayna ay godka ku eryadeen Eeyo lagu diray, uuna sidaasi ku dilay naftiisa iyo saddex caruur ah jirkiisana uu go’go’ay.
Ciidamada Mareykanka ee howlgalka fuliyey ayuu sheegay inaysan wax qasaare ah soo gaarin, wuxuuna intaas ku daray inuu Mareykanku sii wadi doono howlgalka ka dhan ah argagixisada, ee lagu ugaarsanayo hoggaamiyeyaasha Daacish.
Wuxuu u mahad celiyey dalalka Turkiga iyo Ruushka oo gacan ka geystay dilka hoggaamiyaha Daacish, iyo ciidamadii fuliyey howlgalka oo uu sheegay inay ahaayeen kuwa ugu khatarsan Mareykanka, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u dhintay hoggaamiyaha Daacish oo uu sheegay, isagoo ordaya oo qeylinaya.