Musharixii muranka badan dhaliyay ee xisbiga Jamhuuriya Donald Trump ayaa ku guuleystay xilka aqalka cad ee madaxweynaha Mareykanka.
Natiijada cod bixintai dadka Mareykanka ayaa wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inuu helay codadkii uu u baahnaa ee 270 cod ee loo yaqaan electoral, kadib markii uu ku guuleystay goboladii ugu danbeeyay ee muhiimka ahaa sida Pennsylvania, Winsconsin iyo goboladii harsanaa.
Donald Trump oo ahaa ganacsade soo galooti ku ah siyaasadda, isla markaana si weyn u weeraray dadka laga tirada badan yahay sida muslimiinta, laatiinka iyo madowga ayaa hadda noqonaya madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka.
AKHRISO: Natiijada cod bixinta iyo sida ay u dhacday
Waxaa gebi ahaan meesha ka baxay saadaashii ay sameeyeen ururada iyo hay;adaha warbaahineed ee sii odorosa natiijooyinka doorashadooyinka, waxaana ugu horeyntiiba dhacday inuu hogaanka qabto Donald Trump.
Guusha Trump ayaa lama filaan ku noqotay dad fara badan oo Mareykan ah, waxayna xaalad huhanti la’aan ah ku riday suuqyada saamiyada caalamiga ah ee dunida oo hoos u dhac weyn ku dhacay.
Donald Turmp ayaa doorashadiisa waxay caddeyn u tahay in dadka Mareykanka ay ka daaleen nidaamka xukunka siyaasiyiinta dalka Mareykanka iyagoo markan u diray Aqalka cad Ganacsade aan wax aqoon ah u lahayn siyaasadda.
Goobjooge.com