Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Doodii Musharixiinta Madaxweynaha oo gebi ahaan la joojiyay [Akhri Sababta]

War hadda soo dhacay ayaa sheegyaa in doodii loo qaban lahaa musharixiinta  u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya gebi ahaan la joojiyay, lagana noqday.

Guddiga Doorashada madaxda bannaan oo goor dhoweyd saxaaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la joojiyay doodaasi oo ahayd qodob dhowaan la soo kordhiyay, kadib markii lagu heshiin waayay qaabka loo qabanayo.

Kulankii koowaad ee dooda oo laba qeybood laga dhigay ayay isaga baxeen musharixiin gaareysa 12 oo goobta ka xaadiray markii loo sheegay inaysan toos ahayn, isla markaana telefishanka Qaranka oo kaliya oo tebin doono marka la duubo kadib.

Arrintan ayaa dhalisay muran iyo dood weyn oo ka dhalatay qaabka baahinta iyo ka qeybgalka dooda, taasoo markii dambe keentay in laga noqdo oo qodobkaasi la fulin waayo, arrimo la xiriira is aaminid la’aan iyo shaki hareeyay musharixiinta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON