Sunday, July 13, 2025

Dowlada Qatar oo shaacisay inay Berri tahay Ciid & Sacuudiga oo laga arkay Bisha

Dalal kale oo islaam ah a ayaa ku dhawaaqay inay Berri oo Jimce ah ay tahay ciidul fitri, kadib soonkii bisha Ramadaan oo la soomay 29 maalmood.

Dowladda Qatar ayaa goor dhoweyd shaacisay in la arkay bishii Shawaal (Soonfur), isla markaana ay berrito tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga, iyadoo dalkasi laga arkay dhalashada bishii Shawaal.

Dhinaca kale wararka laga helayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in laga arkay bishii Shawal, sida laga soo weriyey Jaamacada cilmiga xiddigaha ee Xuuda oo dadaal ugu jirtay raadinta bisha Shawaal, iyadoo laga arkay magalada Sudair.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dalal badan ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay Ciid tahay maalinta Berri, waxaana dalalka shaaciyay ka mida:

Sacuudiga, Qatar, Baxreyn, Imaaraadka, Kuwait, Suniyiinta Ciraaq, Indonesia, Kenya, Maleysia, Turkiga, Waxaa goor dhoweyd la shaaciyay inay Ciid tahay Soomaaliya iyo maamulladeeda kala duwan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON