Friday, July 4, 2025

DEGDEG: Dowladda Kenya oo xiriirkii diblomaasi u jartay Somalia [Safiirkii Somalia oo lagu maray… -Akhri sababta]

Dowladda Kenya ayaa u yeeratay safiirkeedii ka joogay magaalada Muqdisho, waxayna amartay safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi inuu dalkeeda isaga baxo.

Amarkan ayaa goor dhoweyd kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya, sida shaacisay warbaahinta dalka Kenya, waxaana arrintan sabab looga dhigay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay xuduudda Badda ee Kenya iyadoo tartan gelisay Bad ay leedahay dalka Kenya si shidaal looga baaro Soomaaliya.

Waa xaaladii ugu xumeyd ee diblomaasi oo soo dhex gasha dalalka Somalia iyo Kenya, iyadoo saacadaha soo socda la sugayo tallaabada ay qaado dowladda Somalia, waxayna Kenya ka mid tahay dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Xiisadda diblomaasi ayaa salka ku heysa dacwadii Badda Somalia iyo Kenya oo taalla Maxkamadda Adduunka, iyadoo Kenya ay hore u sheegatay qeyb ka mida Badda Soomaaliyeed, taasoo hadda u muuqata inay qaraxday.

HOOS KA AKHRISO FAAHFAAHIN

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON