Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ku saabsan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo laga dhigay shaqi aan laga rabin Somalia.
Qoraalka ayay dowladda Somalia ay wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inaan wadanka laga rabin, kana shaqeyn karin wakiilkiisa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay markii uu wakiilka Q/Midoobay jebiyay hab maamuuska iyo dhaqankii diblomaasiyadeed ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo fara geliyay madax bannaanida dalka, sida lagu yiri qoraalka Wasaaradda Dibadda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)
Muqdisho, Soomaaliya
January 01, 2019
Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Janaayo 2019ka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ah, waxay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom.
Go’aankani waxa uu salka ku hayaa kadib markii si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka.
Dhammaad