Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Dowladda Soomaaliya oo wafdi wasiiro ah u dirtay Magaalada Jowhar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baxday xaaladda ka taagan maamulka Hirshabeelle, waxayna wafdi wasiiro ah u dirtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in wafdi ka socda xukuumadda loo diray magaalada Jowhar, kuwaasoo kulamo la yeelan doona madaxda iyo xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga dowladda ee Jowhar waxaa hoggaaminaya wasiirada arrimaha gudaha iyo Amniga gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), iyagoo goor dhow gaaraya magaalada Jowhar.

Madaxweynaha xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosobole ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka tahay ololaha xilka looga qaaday.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa intooda badan magacaabay guddi qaabilsan doorashada madaxweynaha maamulkaasi, waxayna xiisada taagan ay timid kadib markii mooshin xilka looga xayuubiyay madaxweynihii maamulkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON