Warr hadda soo dhacay ayaa sheegaya in duqeyn lagu dilay Suldaankii Beesha H/Gidir ee Jubbooyinka oo ka mid ahaa abadoonnada ay Alshabaab sameysay.
Duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah oo ka dhacday degmada Jamaame ee Gobolka J/Hoose ayaa lagu dilay maanta Suldaankii Beesha Habar Gidir ee Jubbooyinka Suldaan Maxamed Cabbaas sida ay baahisay warbaahinta Alshabaab taageerta.
Hore waxay diyaaradaha Mareykanka ee is-wada duqeyn ugu dileen Suldaankii Beesha Jareer ee Jubbooyinka Cabaas Maxamed Xaaji suldaankii beesha Jareerweyne oo ku dhintay duqeyn ka dhacay duleedka Kamsuuma.
