Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen arday rasaas lagu furay magaalada Muqdisho, iyadoo uu dhaawac ka soo gaaray dhowr arday.
Arrintan ayaa ka dhacday bar koontarool ay leeyihiin ciidamada dolwadda ee ku sugan degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, waxaana rasaasta ku dhaawcmay saddex arday oo wada dashay, kuwaasoo dhiganayey dugsi sare. Wararka ayaa sheegaya ardayda oo lagu kala magaaabo Hodan Daahir, Safiyo Daahir iyo Sakariye Daahir dhaawacyadooda loola cararray isbitaal Medina, iyadoo kadibna la geeyay Isbitaalka Shaafi
Qaraabada ardaydan ayaa sheegay in Hodan Daahir ay xabad ku dhacday, laakin Safiyo Daahir ay gaariga ayey iska tuurtay, ha;a Zakariye Daahir taayarka baabuurka uu Dul maray maray. Ardaydan oo da’ ahaan isku xiga waxayna sanadka dambe ka qalin jebinayeen iskuulka Al-anwaar ee degmada Dharkeynley.
Askarta dowladda ee ku sugan Wadooyinka oo u badan kuwo dhowaan loo qoray ciidamada Booliska ayaa si joogto ah u rasaaseeya dadweynaha iyo gaadiidka ay wataan, waxayna mararka qaarkood dilaan dad ka badan inta ay Alshabaab sheegato inay ku dishay caasimadda.