Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa uu ku qarxay duleedka Muqdisho.
Gaari oo la sheegay inuu ahaa nooca raaxada ayaa qarxay xilli uu ku socday magaalada Muqdishom isagoo maray waddo qarda-jeex ah oo dhinaca waqooyi uga beegan Koontaroolka Siinka dheer ee Magaalada Muqdiaho laga ilaaliyo.
Wararka ayaa sheegaya in Qasaaraha Qaraxa Gaariga uu ku kooban yahay dadkii waday Gaariga oo aan la sheegin tiradooda, waxaana jira dhaawacyo sida ay sheegeen dadk degaankaasi.
Ciidamada fariisinkoodu yahay Koontaroolka Siinka Dheer ayaa gaaray goobta uu gaariga ku qarxay, iyagoo baaritaan ku bilaabay Gaariga qarxay.