Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Gaari sida Waxyaabaha Qarxa oo lagu qabtay Muqdisho & Goob muhiim ah oo la dhigay

Wararka laga helayo hay’aaha amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay ciidamda amniga qabeen Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo la dhigay meel u dhow  xarunta maamulka G/Banaadir ee degmada Xamarweyne, magaalada Muqdisho.

Gaarigan ayaa la sheegay inay arkeen ciidamada iyadoo ay ka buuxaan waxyaabo qarxa, waxaana la dhigay bannaanka xarunta Jaamacadda Umadda ee u dhow Xarunta weyn ee dowladda Hoose, Gobolka Banaadir.

Ciidamada amniga ayaa goobta xiray, waxaana la sheegay inay halkaasi gaareen ciidamada miino baarista booliska oo isku daygoodu yahay inay  kala furfuraan waxyaabaha qarxa ee Gaariga ku xiran, si aanu u qarxin.

Ma jirto cid loo qabtay Gaarigan qaraxyada siday, waxaana weli socda howlgalka ciidamada kula tacaalayaan gaarigaasi.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON