War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goor dhoweyd ciidamada Nabadsugidda ay degaanka Ceelasha Biyaha
ee duleedka magaalada Muqdisho ku qabteen gaari Walxaha Qarxa sida.
Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Gaarigaas ka shakiyay kadibna qabtay, isagoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho oo lagu waday inuu qarax ka geysto.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in gaariga la qabtay oo ay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa gacanta lagu dhigay, ayna socdaan baaritaano kale.
Gaariga ayaa la sheegay in Saxaafadda loo soo bandhigi doono.
Faahfaahinta la soco