Friday, July 4, 2025

DEGDEG: Gabar Arday ka ah Jaamacad ku taalla Muqdisho oo lagu dhex toogtay fasalkeeda

War hadda soo dhacay ayaa sheegay in koox hubeysan ay Gabar Ardayad ah ku dhex dileen xarunta Jaamacada Soomaaliya ee xaafadda Baar Ubax, magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dabley gudaha u galay xarunta Jaamacadda, iyagoo beegsaday gabadhan, kuna dhex toogtay fasalkii ay wax ku baraneysay, iyadoo kala carar iyo naxdin weyn ay hareysay Jaamacadda.

Gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan, lama oga sababta keentay dilkeeda iyo cidda ka dambeysay, iyadoo falkan uu yahay mid aan hore loo arag oo ku cusub magaalada.

Raggii dilka geystay ayaa baxsaday iyadoo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay gaareen xarunta Jaamacadda ee dilku ka dhacay.

Dilka ardayadda ayaa dhacay qiyaastii 11:30am, waxaana ay ardayadda la dilay ka mid ahayd ardayda dhigata Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Soomaaliya UNISO.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON