Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Gabar Weriye ah oo lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho & Ganacsade lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya in falal dil iyo dhaawac ah kala duwan ah ay ka dhaceen maanta caasimadda.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in dabley hubeysan ay rasaas ku fureen iyadoo dhaawac halis ah gaarsiiyey gabar weriye ah oo u shaqeysa Idaacadda Radio Muqdisho iyo TV-ga dowladda Soomaaliya ee SNTV.

Weriye Farxiyo Mire Maxamed ayaa la sheegay in isbitaalka loola cararray markii koox bistoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen, isku day la rabay in lagu khaarijiyo, kadibna  ay baxsadeen.

Dhinaca kale weerar kale ayaa isla maanta ka dhacay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, kadib markii dabley hubeysan ay gudaha suuqa ku dileen nin Dawaarle ahaa, waxaana dableyda falka geysatay ay ka baxsadeen goobta.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ninka Harqaanlaha ah uu dhaawac culus soo gaaray, kadibma intii loo waday isbitaalka uu  geeriyooday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON