Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay goor dhoweyd fal dil ah ka geysteen magaalada.
Koox ku hubeysan Bistoolado ayaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dhisay Nin Ganacsade ah iyagoo, falkaasi kadib goobta ka baxsaday.
Wararka laga helayo Suuqa ayaa sheegaya in Ganacsadaha la dilay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Dheere lagu toogtay Qeybta Daawada ee suuqa Bakaaraha.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta falku ka dhacay, waxaana la sheegay inay baxsadeen raggii falkaasi ka danbeeyay.
Alshabab ayaa u muuqda inay kordhiyeen falalka khaarijinta dadka ah, kadib markii culeys kasoo food saaray howlgallo ay ciidamada ammaanka ka wadaan magaalada Muqdisho.
Goobjooge