Wararkaa laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegay in kooxda Xuuthiyiinta Yeman ay Gantaallo nooca Plastic-ada ah ay ku rideen magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Sacuudiga.
Gantaallaha ayaa la sheegay inay ahaayeen laba Gantaal, waxayna Sacuudigu sheegeen inay hawada magaalada Riyaad ku burburiyeen laba Gantaal oo Xuuthiyiintu ku soo weerarreen magaalada.
Baraha bulshada carabta adeegsato ayaa lagu soo bandhigay sawirro muujinaya qarax ka dhacay hawada magaalada Riyad oo lagu sheegay inuu yahay Gantaalaha Xuuthiyiinta ee hawada lagu qarxiyey.