Tuesday, July 1, 2025

DEGDEG: Golaha wasiirada oo caawa shir degdeg ku leh Muqdisho [Madaxweynaha & Ra’iisal wasaraha oo ka qeyb galaya]

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa shir degdeg uga socdaa Madaxtooyada, iyadoo galabta uun la isugu yeeray Golaha wasiirada isla galabtana ay Muqdisho ku soo laabtaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo shirka wadajir uga qeyb galaya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inay heshiis ku gaareen dalka Turkiga oo ku saabsan qeybsiga Safiiro 10 ka badan oo labada mas’uul ay isku heysteen, loona baajiyay shirkii ugu danbeeyay ee Golaha Wasiirada khilaf ku saabsan arrintaasi.

Shirka ayaa la filayaa in ajende looga dhigo arrimaha ammaanka dalka, balse kadib lagu ansixiyo Safiirada cusub ee la magacaabayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON