Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Guddiga Doorashada la noqday Waqti cusub oo loo qabtay Doorashada 2016

Guddiga Doorashada Dadban ayaa si lama filaan ah dib ugu dhigay qorshe ay doonayeen inay ku shaaciyaan waqti cusub oo la qabanayo Doorashada 2016.

Shir jaraa’id oo guddigu qaban lahaa ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay la joojiyay, kadib markii ay isugu yeereen saxafiyiinta, waxayna sheegeen in maalinta Beri ay baahin doonaan qorshahooda cusub.

Xogta ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegaya in Madaxda Sare ee Madasha Qaran aanay isku raacsaneyn qorshaha Guddiga oo kaliya ay ogolaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Qorshaha dib u dhigista Doorashada oo ah markii labaad ayaa la sheegay in muddo 45 casho ah oo cusub lagu daray si dib loogu riixo waqtiga doorashada kadib markii uu socon waayay jadwalkii hore.

Madaxda maamul Goboleedyada siiba kuwa Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay inay dalbadeen wadahadal dheeraad ah oo ku saabsan dib u dhaca doorashada 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON