Thursday, June 26, 2025

Guddiga Doorashada oo ku dhawaaqay xilliga ay dhaceyso Doorashada 2016

Guddiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada dadban ee Madaxweynaha,

Guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shir jaraa’id  oo ay guddiga ku qabtaan Magaalada Muqdisho, kadib markii ay kulan la yeesheen Madaxda Madasha Qaran ayay shaaciyeen  in Taariikhdu marka ay tahay 25ka Bisha October la dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka halka 30ka isla October-na la dooranayo madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorasha Dadban Cumar Maxamed Cabdule wuxuu kaloo sheegay in Bisha Septmber 24-keeda ilaa 10-ka Bisha October la soo dhameystirayo Golaha Shacabka ee Aqalka hoose, halka  Aqalka sare la soo dhameystiri doono 24 September.

Guddiga Doorashada ayaa sidoo kale ku dhawaaqay   10-ka August ay billaabaneyso Olalaha Musharrixiinta doonaya in ay xilal ka qabtaan Dowladda Soomaaliya.

War-murtiyeed-1

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON