Guddiga Doorashada heer Federaalka ayaa shirkoodii jaraa’id ee ugu horeeyay ku qabtay magaalada Muqdisho,
waxayna goor dhoweyd shaaciyeen qorshe ay doonayaan inay ku dhacdo doorashada.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada heer federaal Cumar Dhegey ayaa balan qaaday inay si xor iyo xalaal ah u qaban doonaan doorashooyinka, wuxuuna intaas ku daray in Guddiga ay ka go’an tahay inuu noqdo guddi dhexdhexaad ah.
Mar uu ka hadlayay goorta la qaban doono doorashada ayuu sheegay in waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka lagu shaacin doono kulanka ay yeelan doonaan Madasha Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka oo maalmaha soo socda ka qabsoomi doona Muqdisho.
Shirka jaraa’id ayaa u muuqday in Guddigu isku barayo saxaafadda iyo dadka isla markaana isku muujinay inuu yahay guddi howl galay oo shaqeynaya.
DAAWO SHIRKA JARAA’ID EE GUDDOOMIYAHA GUDDIGA CUMAR DHAGEY
Goobjooge.com