Tuesday, October 4, 2022

Guddigii Doorashada Kenya oo kala qeybsamay iyo War Cabsi leh oo ay soo saareen

Guddiga Doorashada dalka Kenya ayaa kala qeybsamay daqiiqadihii ugu danbeeyay ee shaacinta natiijada Doorashada dalkaasi.

Qaar ka mida Guddiga oo ah 4 xubnood ayna hoggaamineyso Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Juliana Cherera ayaa goor dhoweyd shaacisay inay awoodi waayeen koontarolka natiijada la shaacinayo oo aysan qeyb ka ahayn, taasoo keentay inay isaga baxaan xarunta lagu shaacinayo doorashada ee BOMAS Kenya.

Waxay sheegtay inay dareemeen inaysan wax awood ah ku lahayn natiijada doorashada oo aysan hubin karin waxa l ashaacinayo, waxayna dadka Kenya ugu baqday nabad io inay Makamadaha la tiigsadaan natiijada doorashada.

Ad

Arrintan ayaa cabsi gelineysa natiiada doorashada Kenya oo muddo 5 maalmood ah la sugayey, iyadoo dalkaasina mar kale qarka u saareyso qalalaase kale oo ka dhasha Doorasho lagu murmo.

Guddiga Doorashada madaxa bannaan ee Kenya ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaana hadda 4 xubnood ay bannaanka ka joogaan xarunta BOMAS, iyagoo diiday natiijada uu shaacin doono Guddoomiyaha Guddiga Wafula Chebukati.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON