Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Guddoomiye Laameed hore oo caawa lagu dhex dilay Masjid ku yaala Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay caawa toogasho ku dileen guddoomiye laameed hore.

Dableyda ayaa toogasho ku dishay nin lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar oo hore Guddoomiye Laameed uga soo noqday degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa ka dhacay Masjidka Bandhabow ee degmada Xamarjajab dhexdiisa xilli uu ka mid ahaa dad kitaab ka dhageysanayay Masjidka, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay oo lagu sheegay laba nin.

Waa mid ka mida dilkii ugu foosha xumaa ee Masjid lagu dhex dilo qof muslim ah oo aan waxba galabsan, waxayna ka mid tahay falalka kooxda Alshabaab ka geysato magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON