Tuesday, July 1, 2025

DEGDEG: Guddoomiye Mursal oo laga hor istaagay inuu shir ku qabto Xarunta Villa Hargeysa

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa laga hor istaagay inuu la kulmo xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood.

Guddoomiye Mursal ayaa laga hor istaagay inuu ka baxo xarunta Villa Uganda oo hoy u ah, waxaana loo diiday inuu yimaado xarunta Villa Hargeysa, halkaasoo uu la filayey inuu shir jaraa’id qabto, iyadoo madaxtooyada ay xirtay alaabada laga galo xarunta Villa Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Xasan ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal uu hadda ku jiro xabsi guri, isla markaana madaxweynaha uu ku dhaqmayo sida keli talis oo kale.

Arrintan ayaa sii cakireysa xaaladii ka dhalatay mooshinka xil ka qaadista ah ee laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON