Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Guddoomiye Mursal & Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Caawa kulan uga socdo Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu kulan uga socdo magaalada Muqdisho guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa  hadda ka socda Xarunta Wasaaradeed oo u dhow agagaarka Isgoyska Soobe, waxaana la xiray wadooyinka aaggaas taga oo dhan, iyadoo uu ka dambeeyay waanwaan dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Xildhibaano ku dhow labada dhinac ayaa sheegay in kulanka oo ah mid xasaasi ah la filayo in heshiis looga gaaro khilaafka hareeyay baarlamaanka iyo xukuumadda oo ku saabsan mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa ku heshiin waayay inuu midkood kan kale xaruntiisa ugu tago, taasoo keentay in meel dhexdhexaad ah ay raadiyeen xubnaha waanwaanta ka dhex waday labada dhinac, waxaana kulanku ka socdaa xarunta Wasaaradda Tacliiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu wakiishay Ra’iisal wasaaraha, kadib markii uu Guddoomiye Mursal dalbaday inay arrinta Mooshinka ka wadahadalaan madaxweynaha.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON