Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Guddoonka Golaha Baarlamaanka Federaalka oo kala diray Guddigii Maaliyadda

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Guddoonka Golaha Baarlamaanka uu kala diray Guddigii  Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Baarlamaanka Federaalka.

Warkan oo ay faafisay Warbaahinta dowladda ayaa imaanaya, kadib markii Guddigan ay ku kala qeybsameen Warbixin ku saabsan Miisaaniyadda dowladda 2018 oo ay qaar ka mida ay xukuumadda ku eedeeyeen lacago maqan iyo wax is daba marin.

Warbixintaasi ayaa muran ka dhalisay Guddiga dhexdiisa, iyadoo markii dambe uu laalay guddoonka Baarlamaanka, waxayna arrintan noqoneysaa markii ugu horeysay ee Guddi Baarlamaan la kala diro.

AKHRISO: Qoraalka lagu kala diray Guddiga Maaliyadda & Qoddobada loo cuskaday

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Golaha Shacabka ayaa la sheegay inuu gacan galay xildhibanno mucaarad ah oo dagaal kula jira xukuumadda, kuwaasoo doonaya in magaca guddiga ay u adeegsadaan arrimo siyaasadeed.

Lama oga waxa ka dhalan doona arrintan, sharci ahaantiisa, waxayna ku soo beegmeysaa iyadoo ay baaqdeen kulamadii Baarlamaanka, isla markaana qaar ka mida xildhibaannada mucaaradka ah ay dacwad ku soo ogeen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

AKHRISO: Qoraalka lagu kala diray Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya & Qodobada loo cuskaday]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON