Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in heshiis lagu gaaray wadahadalkii u socday Guddiyada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Shirka oo maanta la isku mari waayey, kadibna hakad galay markii Guddiga Somaliland ay diideen wax tanaasul ah oo ay ka sameeyaan dalabkii Guddiga dowladda Federaalka ee xoriyadda isu socodka dadka labada dhinac ayaa waxaa markii danbe soo faragelisay dowladda Jabuuti oo dib isugu keentay labada guddi, waxana ugu danbeyn la gaaray heshiis.
War-murtiyeedka shirka laga soo saarayo oo goor dhow la saxiixay ayaa lagu wadaa in la shaaciyo.
LA SOCO FAAHFAAHINTA