Friday, July 11, 2025

DEGDEG: Hoggaamiyihii Daacish oo weerar lagu dilay iyo howlgal ciidamada Mareykanku ku qaadeen…

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xaqiijiyey dilka hoggaamiyaha Daacish, kadib howlgal ay cidiamada gaarka ah ee dalkaasi ku qaadeen Gobolka Idlib ee dalka Syria.

“Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa “si guul leh” u fuliyay howlgalka ka dhacay Waqooyi-Galbeed ee Syria Arbacadii, waxaana lagu dilay hoggaamiyihii ISIS Abu Ibrahim Al-Hashimi” ayuu yiri Joe Biden warkan ku dhawaaqay goor dhoweyd.

Ninkan ayaa ahaa hoggaamiyaha la wareegay Daacish, kadib howlgalkii 2019 ee lagu dilay hoggaamiyihii ISIS Abu Bakar Al-Baghdadi. Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in howlgalka ay ku dhinteen 13 qof .

Ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray Askarta Mareykanka sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon. Dadka degaanka weerarku ka dhacay ayaa arkay diyaarad Maraykanku leeyahay oo ku burburtay goobta weerarku ka dhacay

Xoghayaha Saxaafadda Pentagon John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray xalay ku sheegay in howlgalka uu sameeyay taliska dhexe ee Mareykanka, kaas oo maamusha howlgalada militari ee Bariga Dhexe.

Wararka hadda soo dhacay ayaa sheegaya in hoggaamiyihiiDaacish Abu Ibrahim Al-Hashimi uu isagu is qarxiyey, oo Bam uu isku qarxiyey isaga iyo qoyskiisa, markii weerarka lagu qaaday oo ciidamada Mareykanka ay hareereeyeen.

Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu la hadlo dadka Mareykanka, isgoo faahfaahin doono hwolgalka lagu dilay hoggaamiyihii Daacish Abu Ibrahim Al-Hashimi Alqurashi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON