War hadda soo dhacay ayaa sheegay in madaxweynihii cusbaa ee Suudaan oo ahaa madaxa Golaha sare ee Milateriga dalkaasi qabsaday Cawad Bin Cawf uu ku dhawaaqay inuu xilkaasi ka tanaasulay.
Bin Cawf oo hore u ahaa madaxweyn ku xigeenka koowaad ee Suudaan iyo wasiirka gaashaandhigga dalkaasi ayaa shalay ku dhawaaqay inqilaabkii ka dhacay dalkai Suudaan ee xilka looga qaaday madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Albashiir, laakiin waxaa si weyn uga hor yimid dadka bannaanbaxa wada ee reer Suudaan.

Waxaa Madaxa Golaha Sare ee Milateriga dalka Suudaan loo magacaabay C/fataax Burhaan C/raxmaan oo ahaa taliyaha howlgalka ciidamada milateriga, oo noqon doona madaxweynaha cusub ee Suudaan.
Madaxa cusub ee Golaha Milateriga Suudaan ayaa la sheegay inuu yahay sarkaal ay ogolaan karaan dadweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ah, iyadoo 24 saacadood gudahood laba madaxweyne la riday dalka Suudaan.

Bannaanbaxyadii ugu weynaa ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka dalka Suudaan, kaasoo lagu diidan yahay golaha Milateriga iyo madaxweynaha cusub oo xilka heyn doona 2 sano.