Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Kooxda Alshabab oo War Cad kasoo saaray Geerida lagu sheegay Amiirkooda Axmed Diiriye

Kooxda  Al-Shabaab ayaa warcad ka soo saartay wararka sheegaya inuu geeriyooday Amiirkeeda Axmed Diiriye Abuu Cubeyda oo saraakiil ka tirsan ciidamda dowladda Soomaaliya ay  sheegeen inuu geeriyooday.

Alshabaab ayaa si kulul u beenisay warkaasi, iyadoo xaqiijisay inuu caafimaad qabo Sheekh Abuu Cubayda, kuna howlan yahay gudashada shaqadiisa ku aadan u Difaaca Diinta, Dalka iyo Dadka Somaaliyeed, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Xarakada Alshabaab oo lagu baahiyey warbaahinta taageerta.

“Warka kasoo yeeray kooxda Farmaajo ee ku aaddan in uu geeriyooday Sheekh Abuu Cubayda ama uu xanuunsan yahay waxba kama jiraan, waxaana looga dan leeyahay in lagu daboolo khiyaanadii ay dhowaan ku kacday kooxda Farmaajo hogaamiyo markii afar ka mida dekedaha dadka Soomaaliyeed ay ku wareejisay dowladda caddowga ah ee Itoobiya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Alshabaab oo u warramay warbaahinta Alshabaab.

Wuxuu caddeeyay in Sheekh Abuu Cubayda uu noolyahay, isla markaana uu caafimaad qabo, balse waqtigii uu Alle u qoray uu dhiman doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON