Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo lagu waday in looga doodo kiiska sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Itoobiya ayaa lagu kala tegay.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay inay soo xaadiri waayeen xildhibaanno gaaray kooram oo shirku ku furmi lahaa isla markaana markii la gaaray 11:00 subaxnimo ay xireen shirka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo kulanka Shir guddoomin lahaa ayaa ku dhawaaqay in kulanka u baaqday Kooram la’aan oo sidaasi ku xiran yahay Fadhigii maanta lagu ballansanaa.
Xildhibaannada ka horjeeda xukuumadda ayaa ku dooday in wadooyinka magaalada la xiray si loo xannbo inaysan xildhibaannada soo gaarin xarunta Golaha shacabka. xildhibaannada Baarlamaanka ayaan mara wadooyinka iyagoo xilliyada ay xiran yihiin awood u leh inay maraan.,
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in kooram la’aanta ay tahay qorshe loogu talogalay oo taageerayaasha xukuumadda diyaariyeen si maanta loo hakiyo kulanka oo waqti kale loogu helo ololaha socda.
Goobjooge