Kulankii Baarlamaanka Federaalka ee kasooni siinta xukuumadda Soomaaliya ayaa furmay iyadoo xildhibaanada ay ku bilaabeen mooshin.
Xildhibaanada taageersan xukuumadda oo magacooda uu ku hadlay xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa mooshinka uu xildhibaanada u sheegay uu ahaa in isla maanta codka loo qaado xukuumadda.
Xildhibaanada ka horjeeda xukuumadda oo ay u hadleen Xildhibaanada Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali ayaa dalbaday in 48 saacadood ah la siiyo ama 24 saacadood ah oo aan maanta loo codeyn xukuumadda
Muranka ayaa hadda ka taagan xilliga la qaadayo codka kalsoonida ee xukuumadda, taasoo waqti dheeraad ah ay doonayaan xildhibaanada diidan xukuumadda.
Goobjooge.com