Kulankii 33-aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow furmay, iyadoo ay si weyn u tageen xildhibaannada ka tirsan Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Kulankan oo xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxaana looga hadlayaa laba ajende oo kala ah: U codeynta hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer maamul: xulida guddiga agaasinka Bankiga dhexe.
Waxaa kulanku ku furmay 170 xildhibaan, iyadoo tirada fara badan ee soo xaadirtay ay qeyb ka yihiin xildhibaannada wasiirada ah, kadib markii xukuumadda ay abaabul weyn u gashay arrintan.
Kulankan ayay xukuumaddu ku dooneysaa inay marsiiso Baarlamaanka isbedel lagu sameeyo xeerka Bankiga Dhexe si ay suuragal u noqoto in nin u dhashay dalka UK uu guddoomiye ka noqdo.