Thursday, June 26, 2025

Kulankii labaad oo Caawa u socda Guddoomiyaha Baarlamaanka & Ku-xigeenadiisa [Wadooyin la xiray]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa kulankii labaad uu hotel ku yaalla magaalada Muqdisho uga socdo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Kulankan oo dana jooga kulankii hore ayaa la sheegay in looga hadlayo amba qaadka wadahadalka labada dhinac oo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhashay mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha.

Kulankii hore ayaa ku dhammaaday inay is cafiyeen saddex mas’uul ee gudoonka Baarlamaanka, kuna ballameen inay wada shaqeeyeen, wixii dhacayna iska cafiyaan, laakiin waxaa harsanaa xalinta labada arrimood ee khilaafku ka taagan yahay ee kala ah: Mooshinka madaxweynaha iyo Kala dirista Guddiga Baarlamaanka.

Dhinaca kale ciidamo fara badan ayaa la dhigay Jidka Maka Almukarama iyo jidka aada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo la xiray socodka gaadiidka, waxayna wararka qaarkood sheegayaan inuu wadahadalka ku biirayo Ra’iisal wasaaraha.

Guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay inuu arrinta Mooshinka kala hadlayo madaxweynaha iyo xildhibaanada keenay, waxaana la sheegay inuu Farmaajo wakiishay Ra’iisal wasaare Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON