Wednesday, June 25, 2025

XOG: Kulankii Ra’iisal wasaaraha iyo Odayaasha Hiiraan oo la isku mari waayay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kulan ay maanta yeesheen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Odayaasha Dhaqanka beelaha Gobolka Hiiraan uu goor dhow soo gabagaboobay iyadoo la isku mari waayay kulanka.

Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa si cad u diiday inay tagaan shirka Jowhar, waxayna qaarka hogaaminayay sheegeen inay doonayaan in Gobolka Hiiraan laba loo qeybiyo kadibna marka uu laba gobol noqdo uu isagu ka tashado inay ku tagaan shirka Jowhar iyo inkale, waxaa kaloo odayaasha ay sheegeen in marka hore Hiiraan la heshiisiiyo oo talo guud ay qaataan inta aan la gaarin gobol kale oo ay ku biiraan.

Shirka oo socday in ka badan 3 saacadood ayaa labada dhinac ku dhex martay dood adag oo ku saabsan qorshaha maamul u sameynta  labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo dowladda Federaalka ay wado, waxaana warar xog ogaal ah ay sheegayaan in beelaha Hiiraan ku kala qeybsan yihiin fekerka ah in Hiiraan ay tahay laba gobol oo uu wato ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulanka maanta waxaa Ra’iisal wasaraha la kulmay afar duub oo uu ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyadoo qeyb kale oo duubabka ka mida aysan soo xaadirin, kadibna Ra’iisal wasaaraha ayaa codsaday kulan gaara oo uu la yeesho Duubabka Gobolka Hiiraan.

Shirka saaka iyo duhurtii socday oo ku soo dhamaaday fashil ayaa la sheegay in shirar kale ay dhici doonaan Galabta iyo caawa si is mari waaga taagan xal loogu helo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON