Thursday, July 3, 2025

Maamulka Jubbaland oo War kasoo saaray Go’aankii Aqalka Sare ee Khilaafkii Dowladda & Maamul Goboleedyada

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay war maanta kasoo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu sheegay in la dhammeeyay khilaafkii dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa shaacisay inay soo dhoweyneyso go’aanka aqalka sare, balse aysan ka dhigneyn inuu soo gabagaboobay khilaafkii dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ka dhaxeeyay.

Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni oo  ayaa sheegay in mamulka Jubbaland ay soo dhoweyneyso go’aanka ay Aqalka sare soo saareen, laakiin aysan taasi macnaheedu ahayn inuu soo dammaaday khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,  Qoraalka Aqalka Sarena uu yahay wajiga koowaad oo jawaab  iyo fulin laga sugayo Dowladda Federaalka.

Maanta ayay ahayd markii Guddiga Aqalka sare ee dhexdhexaadinta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uu ku dhawaaqay inuu dhammaaday khilaafkii, isla markaana 12 qodob la doonayo inay fuliso dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON